Product Image

$120.85$150.99

Bosco Apple Fruit

(4 customer reviews)

Prepare to embark on a sensory journey with the Bosco Apple, a fruit that transcends the ordinary and promises an unparalleled taste experience. These apples are nothing short of nature’s masterpiece, celebrated for their distinctive blend of flavors and their captivating visual allure.

SKU: Bosco-Apple-Fruit Category: Fresh Fruits Tags: FruitsOrganic

Shopping cart

Subtotal: $4398.00

View cart Checkout

News & Articles

Hirshabelle State

KULANKA WADATASHIGA DIYAARINTA QORSHAHA SHANTA SANO EE SOO SOCODA EE WASAARADDA MAALIYADDA DOWLADDA HIRSHABELLE 2025-2029.

  05 May 2025

Project Image

Wasaaradda Maaliyadda ee Dowladda Hirshabelle ayaa maanta magaalada Jowhar ku qabatay kulanka wadatashiga diyaarinta qorshaha shanta sano ee soo socota (2025–2029).

Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Maaliyadda, Agaasimaha Guud Wasaarada Maaliyada, Agaasimeyaasha Waaxyaha,Bulshada Rayidka,Ganacsato, khubaro, iyo wakiillo ka socday hay’adaha taageera horumarinta dhaqaalaha.

Ujeedada kulankan ayaa ahayd in la dardar-geliyo diyaarinta qorshe istiraatiiji ah oo hagaya howlaha iyo horumarka wasaaradda shanta sano ee soo socota, iyada oo la tixgelinayo baahiyaha jira, duruufaha dhaqaale, iyo fursadaha koritaanka ee Gobolka Hirshabelle. Wasiirka Maaliyadda mudane Abdirahim Isse Addow oo furay kulanka ayaa sheegay in qorshahani uu noqonayo mid lagu saleeyo daahfurnaan, isla xisaabtan, iyo wada-tashi qoto dheer, si loo xaqiijiyo in adeegyada maaliyadeed ay noqdaan kuwo la gaarsiiyo dhammaan shacabka Hirshabelle. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, mudane Abdullahi Salah Mudei ayaa xusay muhiimadda uu qorshahani u leeyahay kobcinta dakhliga gudaha, xoojinta nidaamka maamulka maaliyadda, iyo sare u qaadidda adeegyada dowladda ee la xiriira dhaqaalaha. Waxa uu intaa ku daray in wasaaraddu ay ka go’an tahay in qorshahani uu noqdo mid la taaban karo, suurtagal ah, lagana dhaxlo horumar muuqda.

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray falanqaynta guulihii la gaaray intii lagu jiray qorshihii hore, caqabadihii jiray, iyo sidii loo horumarin lahaa geeddi-socodka fulinta qorshaha cusub. Wadatashiyada ayaa la filayaa in ay sii socdaan maalmaha soo socda si talooyinka laga helay qeybaha kala duwan ee bulshada loogu daro qorshaha kama dambaysta ah. Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle waxay ballan qaadeysaa in ay sii wadi doonto wadatashiyada noocan oo kale ah si loo helo aragti mideysan oo wax-ku-ool ah oo laga dhaxlo horumar dhaqaale oo waara oo u adeega shacabka Hirshabelle. DHAMMAAD