Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa maanta sii waday kulanka qiimeynta waxqabadka 2024 iyo qorshayaasha sanadka 2025. Kulankan oo maalintiisii saddexaad galay ayaa waxaa goob joog ahaa Wasiirka Wasaaradda Mudane Abdirahim Isse , Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Mudane Mohamed Ibrahim Xirane , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Abdullahi Salah Mudei , ayaa lagu dhageystay warbixinada waaxyaha muhiimka ah ee Wasaaradda, kuwaas oo soo bandhigay guulaha ay gaareen, caqabadaha ay la kulmeen, iyo himilooyinka horumarka ee 2025.
Waaxyaha Warbixinta Soo Jeediyay Maanta: ✅ Waaxda Iibka (Public Procurement Department) Waxay soo bandhigtay horumarka laga sameeyay nidaaminta hannaanka wax iibsiga dowladeed. Waxay xustay caqabadaha la kulmay, sida baahida loo qabo xoojinta sharciga iyo hufnaanta habka wax iibsiga. Waxay soo jeedisay qorsheyaasha 2025, oo ay ka mid yihiin hirgelinta nidaam casri ah oo lagu maareeyo wax iibsiga dowladda.
✅ Waaxda Xiriirka Dadweynaha (Public Relations Department) Waxay sharraxday dadaallada ay sameysay si loo xoojiyo xiriirka Wasaaradda iyo bulshada, iyadoo la adeegsaday warbaahinta kala duwan. Waxay xustay caqabadaha ay la kulantay, sida baahida loo qabo horumarinta istiraatiijiyadda wacyigelinta bulshada. Waxay soo bandhigtay qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo isgaarsiinta Wasaaradda sanadka 2025.
✅ Waaxda Khasnada (Treasury Department) Waxay ka warbixisay sida ay u maareysay lacagaha dowladda iyo nidaamka la socodka khasnadda. Waxay xustay caqabadaha la kulmay, sida baahida loo qabo nidaam casri ah oo lagu maareeyo maaliyadda dowladda. Waxay soo bandhigtay qorshooyin lagu horumarinayo maamulka lacagaha dowladda 2025, oo ay ku jiraan adeegsiga tiknolojiyadda casriga ah.
✅ Waaxda Odoroska Dhaqaalaha (Micro-Fiscal Department) Waxay soo bandhigtay daraasadaha lagu sameeyay dhaqaalaha iyo saadaasha dakhliga ee 2024. Waxay xustay caqabadaha ay la kulantay, sida saadaasha dhaqaalaha oo u baahan xog rasmi ah iyo dadaal dheeri ah. Waxay la timid qorshayaal cusub oo lagu horumarinayo odoroska dhaqaalaha 2025, si loo helo xog dhab ah oo lagu hagayo miisaaniyadda.
✅ Waaxda Tiknolojiyada (ICT Department) Waxay soo bandhigtay nidaamka cusub ee Revenue Collection Management System, kaas oo lagu horumarinayo ururinta canshuuraha iyo maamulkeeda. Waxay sharraxday sida nidaamkan uu u fududeyn doono hufnaanta ururinta dakhliga iyo kor u qaadista isla xisaabtanka.
Waxay soo jeedisay qorsheyaal dheeraad ah oo lagu horumarinayo adeegsiga tiknolojiyadda sanadka 2025. Kulanka qiimeynta waxqabadka 2024 iyo dejinta qorshayaasha 2025 ayaa sii socon doona maalmaha soo socda, iyadoo la dhageysan doono warbixinaha waaxyaha kale ee Wasaaradda. Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle waxay ka go’an tahay in la horumariyo hufnaanta maaliyadeed, sare loo qaado Dakhliga Gudaja iyo adeegyada bulshada, lana xoojiyo maamulka dhaqaalaha dowladeed loona gaaro iskufilnaasho Dhaqaale.