Product Image

$120.85$150.99

Bosco Apple Fruit

(4 customer reviews)

Prepare to embark on a sensory journey with the Bosco Apple, a fruit that transcends the ordinary and promises an unparalleled taste experience. These apples are nothing short of nature’s masterpiece, celebrated for their distinctive blend of flavors and their captivating visual allure.

SKU: Bosco-Apple-Fruit Category: Fresh Fruits Tags: FruitsOrganic

Shopping cart

Subtotal: $4398.00

View cart Checkout

News & Articles

Hirshabelle State

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle ayaa maanta Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabelle kusoo bandhigtay Warbixin Maaliyadeed iyo Isku-xirka Mashaariicda

  16 July 2025

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle ayaa maanta Shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabelle kusoo bandhigtay Warbixin Maaliyadeed iyo Isku-xirka Mashaariicda Jowhar,16 july 2025, Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirrada Dowladda Hirshabelle, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray warbixin ay soo jeedisay Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabelle, taas oo ku saabsanayd Maamulka Maaliyadda Dowladda iyo Isku-xirka Mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha Hirshabelle. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin qoto dheer oo ku saabsan xaaladda maamulka maaliyadeed ee dowladda, taas oo uu soo jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdullaahi Salaax Mudei. Warbixinta ayaa iftiimisay: * Horumarka laga gaaray hufnaanta iyo hab-raacyada maareynta maaliyadda; * Isku-xirka mashaaricda ka socda gudaha wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan; * La tacaalidda caqabadaha xagga isku-duwidda iyo ilaalinta nidaamka maaliyadeed. Wasiirka Maaliyadda Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdiraxiin Ciise Addow, ayaa hadal dhaxal-gal ah ka jeediyay shirka, isagoo si qoto dheer u falanqeeyay xaaladda maaliyadeed ee dowladda Hirshabelle. Wasiirku wuxuu si gaar ah diiradda u saaray guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray lixdii bilood ee la soo dhaafay, wasiirka wuxuu ku baaqay in dhammaan hay’adaha dowladda ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo dardargelin lahaa horumarka la hiigsanayo. Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Wasaaradda Maaliyaddu ay weli ka go’an tahay hufnaan, isla xisaabtan, iyo u adeegid daahfuran oo ay bulshada Hirshabelle Mudanyiin. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Maaliyadda dadaalka ay ku bixinayso horumarinta maamulka maaliyadeed iyo dardar-gelinta mashaaricda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay: * In loo baahan yahay kor u qaadista daahfurnaanta; * In la xoojiyo wada-shaqeynta wasaaradaha iyo hay’adaha fulinta mashaariicda; * In mudnaan la siiyo tababarro iyo tayeyn lagu sameeyo shaqaalaha maamulka maaliyadeed. Ugu dambeyn Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta waxaa lagu muujiyay Dowladda Hirshabelle ay si dhab ah uga go’an tahay horumarinta maamulka maaliyadeed iyo hirgelinta mashaariic si hufan oo isku-dhafan. Waxaa la isla gartay in la sameeyo qorshe cad oo lagu xoojinayo isku-xirka hay’adaha iyo kormeer joogto ah oo lagu dardargelinayo waxqabadka. DHAMMAAD