MOF-HIRSHABELLEMOF-HIRSHABELLE

Working Hours : Sat - Thur 08:00 - 14:00

No Widget Added

Please add some widget in Offcanvs Sidebar

Shopping cart

Subtotal $0.00

View cartCheckout

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle oo ka qeyb galay Xiritaanka Kulan Wacyigelineed oo ku saabsanaa Bixinta Canshuuraha ee Degmada Warsheikh

  • Home
  • Uncategorized
  • Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle oo ka qeyb galay Xiritaanka Kulan Wacyigelineed oo ku saabsanaa Bixinta Canshuuraha ee Degmada Warsheikh

Warsheikh, 22 March 2025 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Abdullahi Salah Mudei ayaa ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka kulan wacyigelineed oo lagu qabtay degmada Warsheikh.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan bixinta canshuuraha iyo doorka ay canshuuraha ka ciyaaraan horumarka guud ee Dowlada Hirshabelle.

Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay Hay’’adda SOYDEN ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Dowladda Hirshabelle, maamulka degmada Warsheikh, ganacsato, odayaasha dhaqanka, dhalinyaro, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in la xoojiyo fahamka muwaadiniinta ee muhiimadda canshuur bixinta iyo sida ay ugu lamaanaan tahay horumarinta adeegyada aas-aasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay munaasabadda xiritaanka kulanka ayaa uga mahadceliyey ka qeyb galayaasha sida ay uga go’an tahay kobcinta dhaqaalaha Dowladda.
Wuxuu xusay in Wasaaradda Maaliyadda ay ka shaqeynayso fududeynta habraacyada bixinta canshuuraha iyo dhiirrigelinta ganacsatada si loo helo nidaam hufan oo lagu xoojiyo dakhliga dowlad goboleedka Hirshabelle.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa ku dhiirrigeliyey shacabka iyo ganacsatada inay ka qayb qaataan dadaallada lagu horumarinayo nidaamka maaliyadeed ee Hirshabelle, isaga oo ballanqaaday in Wasaaradda Maaliyadda ay sii wadi doonto dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.

DHAMMAAD

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *