MOF-HIRSHABELLEMOF-HIRSHABELLE

Working Hours : Sat - Thur 08:00 - 14:00

No Widget Added

Please add some widget in Offcanvs Sidebar

Shopping cart

Subtotal $0.00

View cartCheckout

JOWHAR 08 FEBRUARY 2025KULANKA QIIMEYNTA WAXQABADKA 2024 & QORSHAYAASHA 2025 OO LASOO GABAGABEEYAY

  • Home
  • Uncategorized
  • JOWHAR 08 FEBRUARY 2025KULANKA QIIMEYNTA WAXQABADKA 2024 & QORSHAYAASHA 2025 OO LASOO GABAGABEEYAY

Waxaa Maanta ayaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay kulanka soo jeedinta guulihii iyo caqabadihii 2024, iyo qorshayaasha Wasaaradda Maaliyadda ee 2025.

Kulankan oo furmay 4-tii Febraayo 2025, waxaa si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Dowlad Hirshabelle, Mudane Ali Gudlawe Hussein

Kulanka oo socday 4 maalin oo xiriir ah, ayaa lagu dhageystay warbixinada waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo maanta diiradda la saaray:

✅ Waaxda Dakhliga (Revenue Department)

Waxay soo bandhigtay kororka dakhliga gudaha ee sanadkii 2024 iyo dadaallada lagu xoojiyay maamulka dakhliga.
Waxay sharraxday caqabadaha la kulmay, sida baahida loo qabo sare u qaadista hufnaanta ururinta dakhliga iyo casriyeynta nidaamyada canshuuraha.
Waxay soo bandhigtay qorshayaal lagu horumarinayo dakhliga 2025, oo ay ka mid yihiin hirgelinta nidaamyo casri ah iyo kor u qaadista wacyigelinta canshuur bixiyayaasha.

✅ Waaxda Kastamka (Customs Department)

Waxay soo bandhigtay horumarka laga sameeyay maamulka kastamka iyo kor u qaadista dakhliga laga helo canshuuraha badeecadaha.
Waxay xustay caqabadaha la kulmay, sida baahida loo qabo xoojinta xuduudaha kastamka iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.
Waxay soo jeedisay qorsheyaasha 2025, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka dijitaalka ah ee kastamyada iyo tayeynta shaqaalaha.

Khudbadaha & Gunaanadka Kulanka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Abdullahi Salah Muudey, ayaa warbixin guud ka bixiyay natiijooyinka kulanka iyo muhiimadda ay leedahay in laga faa’iidaysto xogta la ururiyay si loo gaaro isbeddel muuqda.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Mohamed Ibrahim Mohamed Xiirane, ayaa isna ka hadlay doorka muhiimka ah ee Wasaaradda ku leedahay kobcinta dhaqaalaha iyo sare u qaadista maamulka maaliyadeed ee Hirshabelle.

Ugu dambeyn, kulanka waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Abdirahim Isse Adow, oo jeediyay khudbad qiimo leh oo isugu jirtay boogaadin, mahadnaq, iyo dardaaran. Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay dhammaan waaxyaha dadaalka ay sameeyeen, wuxuuna adkeeyay muhiimadda ay leedahay in 2025 loo guntado horumarinta adeegyada maaliyadeed iyo sare u qaadista daahfurnaanta maaliyadeed ee dowlad Hirshabelle

Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle waxay ballanqaadaysaa inay sii wado dadaallada lagu xoojinayo maamulka maaliyadeed, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo daahfurnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta nidaamka dakhliga.

Hirshabelle

WasaaraddaMaaliyadda

qorshaha2025

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *