MOF-HIRSHABELLEMOF-HIRSHABELLE

Working Hours : Sat - Thur 08:00 - 14:00

No Widget Added

Please add some widget in Offcanvs Sidebar

Shopping cart

Subtotal $0.00

View cartCheckout

Jowhar: 05- February 2025KULANKA SOO JEEDINTA GUULAHA IYO CAQABADAHA 2024 & QORSHAYAASHA 2025 OO GALAY MAALINTIISII LABAAD

  • Home
  • Uncategorized
  • Jowhar: 05- February 2025KULANKA SOO JEEDINTA GUULAHA IYO CAQABADAHA 2024 & QORSHAYAASHA 2025 OO GALAY MAALINTIISII LABAAD

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle ayaa maanta sii waday kulanka qiimeynta waxqabadka ee sanadka 2024 iyo qorsheynta himilooyinka 2025, kaas oo maalintiisii labaad ka socday xarunta Wasaaradda Maaliyadda.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane Abdirahim Isse Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Mohamed Ibrahim Mohamed Xiirane, Agasimaha Guud ee wasaaradda Abdullahi Salah Mudei , Lataliyaasha Wasaaradda iyo dhamaan shaqaalaha kala duwan ayaa waxaa maanta warbixino laga dhageystay waaxyaha kala ah:

✅ Waaxda Mashaariicda – Waxay soo bandhigtay guulaha la gaaray ee dhanka hirgelinta mashaariicda horumarineed, caqabadihii la kulmay, iyo qorshayaasha horumarka 2025.

✅ Waaxda Miisaaniyada – Waxay ka warbixisay sida loo dhaqan-giliyay miisaaniyadda sanadka 2024, caqabadaha dhaqaale ee jiray, iyo qorshayaasha lagu horumarinayo miisaaniyadda 2025 si loo gaaro xasillooni dhaqaale.

✅ Waaxda Hantidhowrka Gudaha – Waxay diiradda saartay hufnaanta iyo isla xisaabtanka Gudaha WasaaraddaMaaliyadda, warbixinnada la sameeyey 2023,2024, iyo istiraatiijiyadaha lagu xoojinayo daah-furnaanta iyo la dagaallanka musuqmaasuqa 2025.

Kulanka ayaa sii socondoono maalmaha soo socda, iyadoo waaxyaha kale ee Wasaaradda la dhageysan doono si loo dhammeystiro qiimeynta waxqabadka iyo qorsheynta sanadka cusub.

Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle waxay ka go’an tahay inay horumariso maamulka maaliyadeed ee Dowlad Hirshabelle, kor u qaaddo daah-furnaanta, iyo in ay xaqiijiso horumar dhaqaale oo loo dhan yahay.

Hirshabelle

WasaaraddaMaaliyadda

Qorshaha2025

Comments (02)

  • Badri

    April 4, 2025 4:01 pm

    WASAARADDA MAALIYADA

    • Badri

      April 4, 2025 4:01 pm

      WASAARDA

Leave a Reply to Badri Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *