Product Image

$120.85$150.99

Bosco Apple Fruit

(4 customer reviews)

Prepare to embark on a sensory journey with the Bosco Apple, a fruit that transcends the ordinary and promises an unparalleled taste experience. These apples are nothing short of nature’s masterpiece, celebrated for their distinctive blend of flavors and their captivating visual allure.

SKU: Bosco-Apple-Fruit Category: Fresh Fruits Tags: FruitsOrganic

Shopping cart

Subtotal: $4398.00

View cart Checkout

News & Articles

Hirshabelle State

Agaasime Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle oo Ka Qeyb Galay Shirkii 3aad ee Afar Biloodle ee Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka

  08 August 2025

Image
Image

Agaasime Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle oo Ka Qeyb Galay Shirkii 3aad ee Afar Biloodle ee Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka Nairobi, 7 Agoosto 2025 – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cabdullaahi Salaax Mudey, ayaa ka qeyb galay shirkii 3aad ee afar biloodle ee Maareynta Maaliyadda Guud ee dalka, kaasoo ka dhacay magaalada Nairobi intii u dhaxeysay 2–7 Agoosto 2025. Agaasimaha Guud waxaa shirkan ku wehlinayay Agaasimaha Waaxda Khasnadda ee Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle, Mudane Xasan Axmed Tohob, iyo Madaxda Xisaabaadka iyo Warbixinada, Mudane Haashim Axmed Maxamed, Ka qeybgalka wefdiga Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle ayaa muujinayay doorka firfircoon ee dowlad-goboleedku ku leeyahay dib-u-habaynta maamulka maaliyadeed ee dalka. Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa lagu falanqeeyay horumarka laga gaaray dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed Dalka, is-waafajinta warbixinnada maaliyadeed heerarka kala duwan ee dowladnimada, iyo xoojinta wada-shaqeynta maaliyadeed ee u dhaxeysa heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed. Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa si rasmi ah u soo xiray shirka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo daahfurnaanta maamulka maaliyadda. Shirka ayaa kusoo dhammaaday jawi isfahan iyo go’aamo mideysan oo lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo horumarinta maamulka maaliyadda dalka. DHAMMAAD Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle 7 Agoosto 2025