Product Image

$120.85$150.99

Bosco Apple Fruit

(4 customer reviews)

Prepare to embark on a sensory journey with the Bosco Apple, a fruit that transcends the ordinary and promises an unparalleled taste experience. These apples are nothing short of nature’s masterpiece, celebrated for their distinctive blend of flavors and their captivating visual allure.

SKU: Bosco-Apple-Fruit Category: Fresh Fruits Tags: FruitsOrganic

Shopping cart

Subtotal: $4398.00

View cart Checkout

News & Articles

Hirshabelle State

KULANKA WADA-TASHIGA DANEEYAYAASHA MASHRUUCA SERP SI LOO XOOJIYO MUUQAALKA IYO FAHAMKA MASHRUUCA.

  27 July 2025

Image
Image
Image
Image
Image
Image

KULANKA WADA-TASHIGA DANEEYAYAASHA MASHRUUCA SERP SI LOO XOOJIYO MUUQAALKA IYO FAHAMKA MASHRUUCA. Jowhar, 27 July 2025, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle ayaa maanta, magaalada Jowhar ku qabatay kulan muhiim ah oo ku saabsanaa wada-tashiga daneeyayaasha Mashruuca SERP si loo xoojiyo muuqaalka iyo fahamka mashruuca . Kulankan ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka mashruuca ilaa hadda, faa'iidooyinka uu leeyahay, iyo sida ugu wanaagsan ee bulshada Hirshabelle uga faa’iideysan karto. Mashruuca SERP waxaa si wadajir ah uga shaqeeya Wasaaradda Maaliyadda, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Hirshabelle. Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle, Mudane Cabdullaahi Salaax Mudei, waxaana ku wehliyay, Maareeyaha Mashruuca SERP ee Hirshabelle Mudane Mohamed Ahmed Kabah , Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Muhidin Ali Mohamud Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Hirshabelle Mudane Mohamed Moallim Omar. Masuuliyiintan ayaa ka hadlay muhiimadda mashruucu u leeyahay horumarinta maamulka Maaliyadda dadweynaha, tayaynta shaqaalaha rayidka ah, Kobcinta Dakhliga Gudaha ,iyo fursadaha uu u abuuro bulshada si guud. Sidoo kale, kulanka waxaa ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin, Bulshada rayidka, Ganacsatada, Xubno ka socda Wasaaradaha Dowladda Hirshabelle Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu doonayo in mashruuca SERP uu noqdo mid si hufan loo fahmo, loo taageero, loona hirgeliyo si waafaqsan baahiyaha bulshada. DHAMMAAD